|
Muqdisho, (insidesomalia.org)-Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir ayaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayuu si rasmi ah uu xilka ugu wareejiyey Gudoomiyaha cusub ee KMG ah ee Gobolka Banaadir.
Xaflada xilka ay ku kala wareegeen labada Mas’uul oo ay goob joog ka ahaayeen xubno horay uga tirsanaa Maamulki la kala diray iyo xubnaha cusub ee Gudiga KMG ah ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa hadalo ka jeediyey Maxamed Dheere,kaasi oo ku nuux nusaday in ay wax weyn ka qabteen dhinacyada dhaqaalaha iyo dayactirka qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho mudadii uu xilka hayey waa sida uuu hadalka u dhigaye.
Wuxuu sheegay in Maamulkiisii oo meel eber ah wax ka soo bilaabay uu wax weyn qabtay, wuxuuna caddeeyay in uu ku faraxsan yahay in uu gaarsiiyay Gobolka Banaadir in Madaxdiisa la soo doorto.
Duqii hore ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay soo geliyeen daqli fara badan isaga oo sheegay in ay howshaasi uga mahadinayaan shaqiilihii ka soo shaqeeyay oo uu ku tilmaamay kuwo soo qabtay hawl qaran sida uu tibaaxay.
Maxamed Dheere ayaa ku wareejiyey furayaasha xafiisyadii Maamulka Banaadir Gudoomiyaha Gudiga KMG ah ee Gobolka Banaadir ee uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Ibraahim Sheekh Muxidiin.
Ibraahim Sheekh Muxidiin oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in xil weyn loo dhiibay, isla markaana ay ku dadaalayaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen, waxaana uu ka codsaday xubnihii Maamulka Gobolka in ay la shaqeeyaan, si ay guddi ahaan u gutaan howsha loo xilsaaray.
Xil wareejintaan ayaa waxaa ay ka danbeysay, kadib markii dhawaan wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha lagu kala diray maamulkii uu madaxda ka ahaa Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere.
|